Welcom to truesomali website

IGAD oo rajo weyn ka qabta in shirka nabadeynta ee ka socda Kenya uu noqdo mid lagu dhiso dowlad ku
meel gaar ah oo u dhan yihiin dadka soomalida oo dhami, ayaa beryahan danbe wadahadal qarsoodi ah
la yeelatay madax sare oo ka socda Ururka Afrika.Madaxdaada oo uu ajandahoodu yahay in la geeyo
ciidamado shisheeye Somaliya, kuwaas oo sugi doona xasiloonida degaanka.

IGAD waxay balan qaad dhinaca dhaqaalaha ka heleen Ururka Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, iyo dowlada
Mareykanka.Dowladahan oo oo iyagu marar badan isku hawlay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somaliya
ayaad moodaa in ay yididilo weyn geshay, iyadoo la cadeyn , dowladii hormuud u noqon laheyd ciidamadaa
Laajiga ah , laakiin waxaan shaki ku jirin in ciidamada Itoobiyaanku ay abaabul weyn ay ku jiraan
bilihii aan soo dhaafnay.Dowlada Maleyshiya ayaa iyana ku balaan qaday inay tabarucaad bixiyaan

Modalkan in la keeno ciidamo afrikaan ahi, waxaad mooda inuu dardar hor leh geliyey dowladaha afrikaanka
ah, kuwaas hore wax uga bedelay Laybeeriya iyo dowlada Dimuqraadiga ee Koongo.Iyadoo ciidamadaas ay kala
hogaaminayeen dowalada Nayjeeriya iyo Koonfurta Afrika.Dowlada Koonfur afrika ayaa diyaar u ah inay
gacan ka geysato haddii IGAD ay codsi dhinaca meleteriga weydiisato, sidaana waxaa sheegay xooghayaha
arimaha debida Robert swilisi.
Fekerkan in la keeno ciidamo shisheeye Somaliya waxay werwer gelisay kooxo ka mid mucaardka joogo
wadanka gudihiisa iyo debediisa.Cabsi weyn ayey gelisay arintani qeyb ka mid ah dagaal oogayaasha ku
sugan wadanka gudihiisa, kuwaas oo dowladihii gacan saarka la lahaa ay joojin doonaan tageeradii
ay siin jireen.

Cabdi cali adan “Itoobiya Addis ababa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *